RIKOOR: Jurgen Klopp Oo Jabiyay Rikoor U Yaalay Liverpool Tan Iyo Sanadii...

RIKOOR: Jurgen Klopp Oo Jabiyay Rikoor U Yaalay Liverpool Tan Iyo Sanadii 1965-tii

102
0
SHARE

Jurgen Klopp ayaa maanta rikoor cusub u dhigay taariikhda lagu kooxda Liverpool kadib markuu isticmaalay shaxdii ugu da’da yareed ee abid ay Liverpool isticmaasho kulanka ay haatan la leeyihiin Plymouth ee ka tirsan tartanka FA Cup.
Maclainka Kop ayaa sameeyay 10 isbadla kooxdiisi ugu danbeysay ee ciyaartay kulankii ay la ciyaareen Sunderland iyadoo sadex kamid ah xidigaha ku bilowday kulankaan aysan xitaa keydka soo fariisan kulankii ugu danbeeyay ee Premier League.
War lagu daabacay boga rasmiga ah ee Liverpool ayaa lagu yiri “Waxaa inoo xaqiijiyay xaqiiqiyahanka Ged Rea in shaxdeena maanta ay tahay tii ugu da;yareed ee abid ku bilaabata kulan Liverpool ah taariikhda kooxdaan, celcelis ahaan da’ wadareedka shaxdeena maanta waa 21 sano iyo 296 maalmood”.

“Rikoorkaan ayaa jabinaya da’ wadareedkii 22 sano iyo 303 maalmood ee kooxdii ku garaacday Wolves 3-1 kulankii Molineux sanadii 1965 ka hor finalki FA Cup.”
Isla tartankaasi ayeey markale Reds rikoorkaan ku dhigeen wuxuuna macalin Klopp sidaasi ku gali doonaa taariikhda kooxdiisa Liverpool.

LEAVE A REPLY