Sevilla Oo Liverpool Xidhiidh Kala Samaysay Sidii Ay Ku Heli Lahayd Difaaca...

Sevilla Oo Liverpool Xidhiidh Kala Samaysay Sidii Ay Ku Heli Lahayd Difaaca La Go’doomiyay Ee Mamadou Sakho Iyo Qiimaha Liverpool Xidigan Ku Doonayso.

97
0
SHARE

War hadda soo baxay ayaa sheegaya in kooxda Sevilla ay Liverpool xidhiidh kala samaysay sidii ay ku heli lahayd difaaca uu Klopp kooxd da’yarta Reds ku go’doomiyay ee Mamadou Sakho. Kooxda Southampton ayaa markii h–e ahayd kooxda loo arkayay in ay Sakho ka badbaadin karo ciqaabta Liverpool ku haysata balse Saints ayaa tartan kala kulmaysa kooxda Sevilla.
Sevilla ayaa diyaar u ah in ay Liverpool kala wareegto Sakho laakiin Reds ayaa xidiga ree France ku qiimaynaya lacag ka bdan 20 milyan oo gini. Sakho ayaa kulamadii xili ciyaareedkan ka horeeyay laga soo celiyay USA isaga oo tan iyo markaas ka waxa uu ka tirsanaa kooxda da’yarta Liverpool ee U21ka.
Liverpool ayaa sanadkii 2013 kii kooxda PSG kala soo wareegtay Mamadou Sakho waxayna ka soo bixisay 18 milyan oo gini. Inkasta oo uu Sakho xili ciyaareedkii h–e muhiim ka ahaa shaxda Klopp waxa uu xili ciyaareedkan gabi ahaanba ka maqan yahay kooda kowaad ee Reds waxayna u muuqataa in maalmaha mustaqbalkiisa Reds ka hadhay ay kooban yihiin.

LEAVE A REPLY