AL-SHABAAB OO SAAKA WEERAR ISMIIDAAMIN AH IYO MID TOOS AH KU QAADAY...

AL-SHABAAB OO SAAKA WEERAR ISMIIDAAMIN AH IYO MID TOOS AH KU QAADAY DEGAANKA BARIIRE.

30
0
SHARE

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose xoogaga Al-Shabab ayaa saaka waabrigii weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada dawladda Soomaaliya ku lahaayeen degaanka Bariirre.

 

Al-Shabaab ayaa weerarka ku bilaabay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo ay ku weerareen saldhiga ciidamada dowlada, iyagoo kadibna ciidamo hubaysan ay toos u weerareen saldhigga.

 

Mas’uuliyiina gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegeen inuu dhacay dagaal laba wareeg ahaa oo qaraar oo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo xoogaga Al-Shabaab.

 

Saldhigga Bariirre ayaa ciidamada dawladdu ay Al-Shabab ka qabsadeen bishii Ogosto ee ina dhaaftay waxaana weerarkan imanayaa iyadoo ciidamada dawladda isku diyaarinayeen inay isku ballaariyaan meelo kale.

 

Hoobiyaal ayaa sidoo kale la sheegay in Al-Shabaab ay kusoo rideen saldhigga ciidamada dawladda ee Laanta Buuro iyaga oo isku dayaya inay ka hor istaagaan in gurmad uu u tago ciidamada Bariire.

 

Al Shabaab ayaa war ay soo dhigeen baraha internetka waxay ku sheegteen in ciidamadoodu ay la wareegeen degaanka Bariire, ayna ciidamadoodu ku qabsadeen dagaalkii saaka 11 Baabuur oo 5 ka mid ah yihiin kuwa dagaalka iyo gawaari kale oo isugu jirta Booyado iyo gawaari nuuca Ciidanka xambaara ah, iyagoo intaas ku daray in ciidamadi saldhiga joogay ay ka dhintay iyo wax dhaawacmay.

 

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaay Sheegashada Al-shabaab, saraakiisha ciidamada dowladana kama hadlin illaa hadda weerarkan.

LEAVE A REPLY