BAARLAMAANKA SOMALIA OO MAANTA MEEL MARINAYA HESHIIS AY XUKUUMADA SOOMAALIYA GASHAY.

BAARLAMAANKA SOMALIA OO MAANTA MEEL MARINAYA HESHIIS AY XUKUUMADA SOOMAALIYA GASHAY.

35
0
SHARE

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kulan ku yeeshaan Xildhibaanada Soomaaliya oo malamihii lasoo dhaafay aan wax kulan ah yeelan.

Kulanka maanta la filayo in ay yeeshaan Xildhibaanada Baarkamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu meel mariyo heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya.

Heshiiska Waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horgeesay Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre, waxaana Xildhibaanada soo aqristeen qoraalka Heshiiskaasi iyagoona horey uga dooday qodobada heshiiska labada dhinac dhax maray.

Waxaana la filayaa hadii uu maanta qabsoomo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya in ay meel mariyaan heshiiska ay wada gaareen Dowladaha Somaaliya iyo Hindiya ee la isku dhaafsanayo maxaabiista labada dhinac.

Dowlada Hindiya ayaa la filayaa in Dowlada Soomaaliya kusoo wareejiso maxaabiis badan oo Soomaaliyeed kuwaa oo ku xiran xabsiyada dalkaasi, waxaana maxaabiista qaar oo horey xukun ugu dhacay la filayaa in Soomaaliya ku dhameestaan mudada xabsiga uga harsan.

LEAVE A REPLY