CALI COSOBLE OO FARTA KU FIIQAY CIDA MASUULKA KA AH XIISADA KA...

CALI COSOBLE OO FARTA KU FIIQAY CIDA MASUULKA KA AH XIISADA KA TAAGAN MAAMULKA GALMUDUG.

23
0
SHARE

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee xiligan ka aloosan magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug.

 

Cali Cosoble ayaa ku eedeeyay dowlada Federaalka in kaalin mug leh ay ku leedahay xiisada ka taagan magaalada Cadaado, waxa uuna tilmaamay in dowlada ay hada ku mashquulsan tahay duminta maamulo dhisan sida uu tilmaamay.

 

Waxa uu sheegay Cali Cosoble in dowlada Federalaka Soomaaliya hada ku mashquulsan tahay bur burinta maamulada dalka ka jira, waxa uuna intaa raaciyay in isagu wali yahay Madaxweynaha Hirshabelle balse dowlada xoog uga soo saartay magaalada Jowhar.

 

“Dowladda Federaalka waxay dumineysaa maamul goboleedyada dalka ka dhisan, waxay ku howlan tahay in la burburiyo maamulada sida sharciga ah ku jooga, waxaana dareemi kartaa wixii ka dhacay Jowhar iyo Cadaado” ayuu yiri Cosoble.

 

Cali Codsble ayaa sheegay marka dib loo eego qaabkii ay Baarlamaanka Hirshabelle xilka uga tuureen iyo tan hada ka taagan magaalada Cadaado ay u muuqdaan kuwa isku mkid ah, waxa uuna tilmamaay in arintan ay kaalin mug leh ku leedahay dowlada Dhaxe.

 

Wasaarada Arimaha gudha Dowlada Federaalka Soomaaliya qoraal xalay kasoo baxay ayaa lagu taageeray go’aankii Xildhibaanada Galmudug shalay xilka uga qaadeen Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

LEAVE A REPLY