CIIDAMADA ITOOBIYA OO DAD SHACAB AH KU XASUUQAY DEEGAAN KATIRSAN GOBOLKA GEDO.

CIIDAMADA ITOOBIYA OO DAD SHACAB AH KU XASUUQAY DEEGAAN KATIRSAN GOBOLKA GEDO.

70
0
SHARE

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Somaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay xasuuq daran ugeysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

 

Ugu yaraan 4 qof shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay ku dileen deegaanka (Maykaa Reebey) oo dhaca duleedka magaalada Garbahaarey xarun goboleedka Gedo.

 

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka ciidamada Itoobiya ayaa dadkan kasoo qabtay Ceel biyood ay xoolo Geel ah ka waraabinayeen kadibna waxay geeyeen goob talis ciidan KMG ah ay itoobiyaanku ka sameysteen halkaas ayay dadka qaar ku Gowraceen halka 2 qof oo kamid ah Afarta qof ee ladilay ay rasaas madaxa uga sharnaqeen.

 

 

Mid kamida dadka xoola dhaqatada ah ee ka badbaaday xasuuqa ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Itoobiya ay geed qurac ah ka laalaadiyeen Meydka laba qof oo gowracan kadibna ay dhanka Garbahaarey u dhaqaaqeen.

 

Ciidamada Itoobiya ee Xasuuqa daran ugeystay dadka shacabka ah ayaa shalay dagaallo iyo qaraxyo xooggan kala kulmay xoogaga Al Shabaab xilli Itoobiyaanku ku socdaalayeen wadada xiriirisa degmooyinka Luuq iyo Garabahaarey.

 

Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada gumeysiga Itoobiya ay dad shacab ah ku xasuuqaan gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, illaa iyo hadda majirto cid katirsan DF-ka ama maamul goboleedyada oo wax war ah ka yiri xasuuqan cadowga ugeysanayo shacabka.

LEAVE A REPLY