CIIDAMADA KENYA OO BANEEYEY SALDHIGYADII UGU BADNAA EE AY KA JOOGEEN KOONFURTA...

CIIDAMADA KENYA OO BANEEYEY SALDHIGYADII UGU BADNAA EE AY KA JOOGEEN KOONFURTA SOMALIA.

16
0
SHARE

Ciidamada Kenya ayaa la xaqiijiyay inay ka baxeen inta badan saldhigyadii ay ku lahaayeen gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta Somalia.

 

Waxaa ka mid ah meelaha ay ka baxeen saldhigii ugu weynaa milatariga Kenya ku lahaayeen gudaha Somalia oo ku yiilay degmada xuduuda ku taalla ee Dhooblay.

 

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Milatariga Kenya ay baneeyeen Saldhigoodii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose.

 

Sidoo kale Ciidanka Kenya ayaa ka baxay Saldhigii ay ku lahaayeen Jaamacadda Magaalada Kismaayo iyo Saldhig kale oo ay ku lahaayeen degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose.

 

Ciidamada Kenya ayaa hadda Soomaaliya ka jooga Saddex Saldhig oo kaliya kuwaasoo kala ah Garoonka dayuuradaha Kismaayo, dekedda magaaladaas iyo degaan hoos yimaad degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

 

Lama oga sababta ka dambeysa bixitaanka Ciidamada Kenya, waxaana goobaha qaar ee ay baneeyeen lagu wareejiyay Ciidamo Itoobiyaan ah halka Saldhigyada qaarkoodna ay joogaan Ciidanka Jubbaland oo kaliya.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowlada Kenya ay u yeeratay ciidamada ka jooga Somalia qaarkood si ay wax uga qabtaan dhibaatooyin ay ugu weyn tahay amaan daro saameysay inta badan gobalada dalkaasi, iyadoo dalkaas looga diyaar garoobayo doorashada ku celiska ah oo laga cabsi qabo iney rabshado ka dhashaan.

LEAVE A REPLY