CIIDAMADA KENYA OO GABI AHAAN ISAGA BAXAY DEGMO AY KAGA SUGNAAYEEN GOBOLKA...

CIIDAMADA KENYA OO GABI AHAAN ISAGA BAXAY DEGMO AY KAGA SUGNAAYEEN GOBOLKA GEDO.

24
0
SHARE

Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in degmadaasi ay saakay isaga baxeen Ciidamada dowlada Kenya ee qeybta ka ahaa howgalka Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM.

 

Dadka ku dhaqan degmada Baardheere ayaa arkayay ciidamada Kenya oo guud ahaan isaga baxaya Degmadaasi, waxaana ciidankan la sheegay in ay u jiheesteen dhinaca xadka Kenya la wadaagto Soomaaliya.

 

Guddoomiye ku xigeenka degmada Baardheere Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax oo Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamada Kenya isaga baxeen degmada Baardheere, waxa uuna sheegay in ciidankaasi ay aadeen dalkooda.

 

Waxa uu sheegay Ismaaciil Qorax in xaalada amni ee degmada Baardheere ay tahay mid wanaagsan wax saameyn ahna aysan ku yeelaan bixitaanka Ciidanka Kenya, waxa uuna tilmaamay in degmada Joogaan ciidanka dowlada iyo kuwa Itoobiya.

 

Ciidamada Kenya ee isaga baxay Degmada Baardheere ayaan la ogeyn sababta keentay in ay xiligaan ka baxaan, mana jiro ilaa hada wax war ah oo ku saabsan ka bixitanaka Ciidanka Kenya ee Baardheere oo kasoo baxay AMISOM iyo waliba maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY