Ciidamada Suuriya oo wali dagaal ka wada meel u dhow Dimishiq

Ciidamada Suuriya oo wali dagaal ka wada meel u dhow Dimishiq

147
0
SHARE

Ciidamada dalka Suuriya ee xukuumada Bashaar al-Asad ayaa wali dagaal culus wajahaya kaasoo ay kula jiraan maleeshiyaat ku go’doonsan meel u dhow caasimada Dimishiq walow qeybo badan oo dalkaa ah laga riixay fallaagada.
Ciidamadaa fallaagada ah ayaa muddo ku go’doonsanaa Dimishiq meeshaa u dhow oo lagu magacaabo Wadi Barada. Meeshaa ayaa ah meelihii ugu horeeyay ee dagaalada qaraari ka dhaceen markii dagaalku dalkaa ka qarxay sanadkii 2011.
Dhawaan ayaa waxaa laga kiciyay fallaagada magaalada ah caasimada labaad ee dalkaa ee Xalab [Aleppo]. Haatan ayaa intoodii badnaa waxay isugu dhurteen Idlib.
Si kastaba ha ahaatee, haatan ayaa waxaa jira xabbad joojin lagu dhawaaqay inkastoo ciidamada Asad lagu eedeynaayo inay jabinayaan xabbad joojinta maadaama dagaal ay ka wadaan fariisinka fallaagada ee Wadi Barada.
Wadi Barada ayaa waxaa mara waadi sida magaca laga dheehan karo kaasoo biyaha caasimada Dimishiq ka yimaadaan.
Haatan ayaa waxaa ciidamada daacada u ah dawlada Bashaar al-Asad ay hubka artileriga ku garaacayaan Wadi Barada ayagoo caqabad weyn ku haya xabbad joojinta.
Fallaagada ayaa iyana ku hanjabay inaysan qaddarinayn xabbad joojinta hadiiba xabbad iyo duqeyn lagu wado wali.
Heshiiskaa xabbad joojinta ah ayaa waxaa dhawaan lagu dhaliyay dhexdhexaadin ay ka shaqeeyeen dawladaha Ruushka iyo Turkiga.
‘Dawlada ciidamadeeda iyo Xizbullah ayaa kusii siqaya goobtaa haatana waxay u dhow yihiin oo afaafkeeda hore joogaan Ain al-Fijeh’. Rami C/Raxmaan oo ka tirsan uruka kormeerka xaquuqul insaanka Suuriya ayaa sidaa yiri.
Wadi Barada ayaa waxaa ku hareereysnaa ciidamada dawlada laga soo bilaabo bartamihii sanadkii 2015.

LEAVE A REPLY