CIIDANKA DOWLADA OO QARKA U SARAN IN AY LAWAREEGAAN DEGMO MUHIIM AH...

CIIDANKA DOWLADA OO QARKA U SARAN IN AY LAWAREEGAAN DEGMO MUHIIM AH OO AY ALSHABAB MAAMULAAN.

181
0
SHARE

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Axmed Cabdulle ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay kusii durgayaan degaanka Owdiigle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in howlgalka Al-Shabaab looga saarayo gobolka Shabeelaha Hoose ee shalay bilowday in uusan joogsan doonin tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo Shabeelaha Hoose.

 

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen Al-Shabaab dhowr degaan oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

 

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay degaanka Bariire oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Axmed Cabdulle waxaa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay ka baxeen degaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Owdiigle iyo kuwo kale.

 

LEAVE A REPLY