C/KARIIN GUULEED OO DIGNIIN ADAG KA SOO SAARAY XAALADA CAKIRAN EE KA...

C/KARIIN GUULEED OO DIGNIIN ADAG KA SOO SAARAY XAALADA CAKIRAN EE KA TAAGAN GALMUDUG.

20
0
SHARE

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa qeylo dhaan ka soo saaray xaalada cakiran ee ka taagan dowlad goboleedka Galmudug.

 

Guuleed ayaa sheegay in khilaafka ka dhex aloosan Galmudug aan la gaarsiinin inuu faraha ka baxo, lana raadiyo xal siyaasi ah oo lagu wada qanacsan yahay.

 

Khilaafka ka dhex aloosan Galmudug ayaa yimid ka dib markii madaxweyne uu taageeray isbaheysiga uu hogaaminayo sacuudiga ee xiriirka mu jaray Qadar, waxaana ka soo horjeestay ku-xigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamanka mamaulkaas oo taageeray mowqifka dhexdhexaadnimada ah ee dowlada dhexe.

 

Hadal qoraal ah oo uu bartiisa facebook soo dhigay Cabdi kariin Guuleed ayaa u qornaa sidatan:-

Galmudug sida ha loo dhaamo.

 

Waxaan wada ogsoonahay in Maamulka Galmudug iyo maamul gobaleedyada kalaba dhismahoodii laga soo maray dhibaatooyin iyo hawlo aad u faro badan waana maamulo curdun ah oo u baahan gardaadin iyo kobcin, gaar ahaan maamulka Galmudug oo ah maamul ay ku hareeraysan yihiin qataro aad u faro badan oo jiritaankiisa halis ku ah.

 

Haddaba waxaan dhamaan dhinacyada oo idil u soo jeedin lahaa inuu caqligu taliyo waxii khilaaf iyo kala aragti duwanaasho ah ee jirana wadahal iyo wadaxaajood lagu xaliyo, wax kasta oo dagaal iyo gacan kahal keeni karana laga fogaado iyo waxii halis galin kara jiritaanka iyo aayaha Galmudug.

 

Dowladda dhexe mas,uuliyad gaar ah ayaa ka saarin dhowridda iyo ilaalinta xasiloonida siyaasadeed iyo tan amni ee dowlad gobaleedyada xubinta ka ah Dowladda Fedaraalka, sida uu xil oga saaran yahay ilaalinta jiritaanka nidaamka fedaraalka ee maamulka dowliga ahi uu ku dhisan yahay Soomaaliduna ku heshiisay, haddaba waxaa dowladda laga doonayaa inay mas,uuliyadeeda qaadato oo ay kaalin waalidnimo ka ciyaarto mashaakilaadka ka jira ama ka jiri karo dowlad gobaleedyada dalka, waana inay ugu yaraan dowladdu ku shaqeyso oraahdo caanka ah ee ay bahda caafimaadku adeegsadaan kuna dawlgalaan oo ah ” Walba haddii aadan wax u kordhinaynin bukaanka ha oga darin “

LEAVE A REPLY