DAACISH OO SHEEGATAY MASUULIYADA WEERAR KHASAARO GEESTAY OO KA DHACAY BOOSAASO.

DAACISH OO SHEEGATAY MASUULIYADA WEERAR KHASAARO GEESTAY OO KA DHACAY BOOSAASO.

22
0
SHARE

Dagaalyahano katirsan Kooxda Daacish ee ka dagaalama Puntland ayaa xalay weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay ka geesteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Saraakiil katirsan Puntland ayaa sheegay in dagaalyahano hubeesan ay dileen qof shacab ah sidoo kale a dhaawaceen Taliye ku xigeenka Saldhigga Boosaaso Cabdi Raxmaan Barre Saalax iyo Askari ka mid ah ilaaladiisa .

 

Weerarkan ayaa ka dhacay agagaarka Saldhigga Afar Irdoodka ee magaalada Boosaaso, waxaana baxsaday dabledii hubeesneed ee ka dambeysay weerarka lagu dhaawacay sargaalkan katirsanaa booliiska Puntland.

 

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta qeybo kamid ah Puntland ayaa durba sheegatay masuuliyada weerarkan xalay ka dhacay magaalada Boosaaso, waxa ayna kooxdu sheegtay in xubno iyaga katirsanaa ay fuliyeen Weerarkaasi.

LEAVE A REPLY