DAAWO SAWIRADA: AXMED MADOOBE OO BOOQDAY XUDUUDA KENYA AY KA DHISEYSO DARBIGA.

DAAWO SAWIRADA: AXMED MADOOBE OO BOOQDAY XUDUUDA KENYA AY KA DHISEYSO DARBIGA.

17
0
SHARE

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)oo maalmahan ku sugan gobolka Gedo ayaa shalay booqday Xuduuda ay Wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan xadka u dhaxeeya Balad Xaawo iyo Mandheera.

Axmed Madobe ay la socdeen Wasiiro iyo saraakiil katirsan Maamulka Jubbaland ayaa howlo shaqo u jooga gobolka Gedo, waxa ayna indho indheyn shalay u tageen Xuduuda gaar ahaan halka dowlada Kenya ka dhiseyso dabriga.

Madaxweynaha Jubbalanbd ayaa indhihiisa kusoo arkay darbiga dowlada Kenya ka dhiseyso Xadka Soomaaliya, waxaana dhismaha darbigan horey uga dhashay muran kadib markii dowlada Kenya darbiga usoo durjisay dhinaca Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa bilowday qorshaha ay darbigan ku dhiseyso kadib markii Al Shabaab kordhiyeen weerarada ay ka geestaan gudaha Kenya, waxa ayna Kenya sheegtay in Darbiagn kaga gon leedahay in ay kaga hortagto weeradada Al Shabaab.

LEAVE A REPLY