DAAWO SAWIRADA: WABIGA SHABELLE OO QARKA U SAARAN INUU KU FATAHO XAAFADO...

DAAWO SAWIRADA: WABIGA SHABELLE OO QARKA U SAARAN INUU KU FATAHO XAAFADO KA MID AH MAGAALADA JOWHAR.

24
0
SHARE

Wabiga Shabelle oo bartamaha ka mara magaalada Jowhar ayaa qarka u saaran inuu ku fataho xaafado ka mid ah magaalada iyo weliba tuulooyinka ku yaal hareeraha  wabiga, kadib markii heerka biyaha wabiga uu gaaray meel aad u sareysa.

 

Xaafada kulmis oo ka mid ah afarta xaafadood ee magaalada Jowhar ayey ka jirtaa cabsida ugu badan waxaana dadka ku dhaqan xaafadaas ay sheegeen in cabsi xoog leh ay ka qabaan in uu wabiga ku soo fataho.

 

Sidoo kale xaafada Horseed ayaa xalay iyo caawa waxa  ay ka jirtaa cabsi badan oo laga qabo inuu wabiga ku fataho balse dadaalo ay sameeyeen dadka ku nool xaafada iyo maamulka degmada Jowhar ayaa lagu guuleystey in la saaro jawaano ciid laga buuxiyay meelaha uu wabiga ka jilicsan yahay.

 

Wararka ayaa waxaa kale oo ay sheegayaan inay jirta cabsi laga qabo in wabiga uu ku fataho tuulooyinka ku yaal hareeraha wabiga waxana lagu guuleystey in la xiro buq ka  baxday deegaanka Timire dhowaan balse illaa labaatan tuulo oo hareeraha wabiga Shabelle ayaa laga soo sheegayaa in wabiga uu korshubayo kadib markiiuu gaaray heerkiisii ugu sareeyay.

 

Dadka ku nool gobolkan sh/dhexe ayaan sidii loo baahnaa uga faa’ideysan biyaha wabiga Shabeele mararka qaar waxaa dhacda iney timaado cabasho biyo la’aan, halka markalena cabasho ay ka timaado fataahaad uu sameeyo wabiga.

LEAVE A REPLY