DAAWO SAWIRADA:RA’ISUL WASAARE KHEYRE OO LA KULMAY WASIIRKA ARIMAHA DIBADDA SHIINAHA.

DAAWO SAWIRADA:RA’ISUL WASAARE KHEYRE OO LA KULMAY WASIIRKA ARIMAHA DIBADDA SHIINAHA.

26
0
SHARE

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay wasiirka arimaha dibada Shiinaha iyo wafdi uu hogaaminayay,

 

Kheyre ayaa kala hadlay Wasiirka Arimaha Dibadda Shiinaha sii xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya , iyo sidii dowlada Shiinaha ay gacan uga siin laheyd Dowlada Soomaaliya arimo badan sida dib u dhjiska dalka , siyaasada iyo taakuleynta ciidanka.

 

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyay Dawlada Shiinaha taageerada dhinaca siyaasadeed ee ay mudadii ugu danbeysay lagarab taagnayd Dawlada Soomaaliya.

 

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khere oo xiligan ku sugan magaalada New York ee Dalka Mareykanka ayaa ka qeyb galaya Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana la filayaa in maalinta berito uu shirkaasi ka jeediyo Khudbad muhiim ah

LEAVE A REPLY