DAAWO SAWIRRADA: AL SHABAAB OO DABAAL DEGGA CIIDDA U ADEEGSATAY DIYAARADO DRONE...

DAAWO SAWIRRADA: AL SHABAAB OO DABAAL DEGGA CIIDDA U ADEEGSATAY DIYAARADO DRONE AH.

91
0
SHARE

Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa maalintii ciide ayaa si heer sare ah oo aan horay loo arag looga dabaal degay munaasabada Ciidul adxaa.

 

Kumanaan kamid ah shacabka magaalada ayaa isugusoo baxay waddooyinka magaalada, carruur iyo ciroole ayaa isdhax mushaaxayay waxayna aheyd munaasabad aad u farxad badan.

 

Fagaara weyn oo ay kooxdu ugu magic dartay Macalim Aadan Xaashi Ceyroow waxaa salaadda ciidda ku tukaday kumanaan shacab ah, markii ugu horraysay waxaa dabaal deggii maanta ka qeyb qaadanaysay diyaarado nuuca wax basaasa ah oo dusha sare ka duubaysay dabaal degga ay sameynayeen shacabka, wararka qaar ayaana sheegaya in goobta uu ku sugnaa amiir koxda alshabab.

 

Diyaaradaha oo ah Drone-ka  ayaa muuqaallo ka qaadeysay magaalada, diyaaradaha ayaa muddo saacada ah dul haadayay magaalada Jilib, idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha ayaa sheegtay in diyaaradan ay leeyihiin ‘Mujaahidiinta’.

LEAVE A REPLY