DAGAAL SAAKA KA SOCDA DEEGAANKA BARIIRE IYO CIIDAMO HUWAN AH OO WEERARAY.

DAGAAL SAAKA KA SOCDA DEEGAANKA BARIIRE IYO CIIDAMO HUWAN AH OO WEERARAY.

142
0
SHARE

Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee gobolka shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo wehliya AMISOM iyo Ciidamo Caddaan ah ayaa ka socda bartamaha deegaankaas.

 

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa saaka aroortii weeraray deegaanka Bariire oo qiyaastii 30KM u jira degmada Afgooye.

 

Ciidamadan huwanta ayaa labo jiho ka weeraray deegaanka Bariire iyo goobo ku dhow dhow oo saldhig u ah Al-Shabaab,

 

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan ay qeyb ka yihiin ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyaan ciidanka xoogga dalka oo dhowr jeer oo hore deegaankaas weerar ku qaaday.

 

Ciidamadan ayaa la wareegay saldhiga deegaanka, waxaana la sheegayaa bartamaha deegaanka uu ka socdo dagaal culus.

 

Bishii May ee sanadkan ayay aheyd markii askari Mareykan ah lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Bariire, markii ciidamada dowladda oo taageera ka helaya Ciidamo Mareykan ah ay weerareen saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas.

 

LEAVE A REPLY