DAGAALO KA SOO CUSBOONAADAY DEGAANKA XERAALE IYO KHASAARE XOOGGAN OO KA DHASHAY.

DAGAALO KA SOO CUSBOONAADAY DEGAANKA XERAALE IYO KHASAARE XOOGGAN OO KA DHASHAY.

38
0
SHARE

Waxaa soo baxaya faahfaahino ka ku saabsan dagaalo culus oo shalay gelinkii dambe mar kale ka qarxay degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, kuwaasoo dhexmaraya ciidamo taabacsan Ahlu suna iyo Maleeshiyo ka tirsan degaanka.

 

Dagaaladan ayaa daba socda dagaalo todobaadyo ka hor labada dhinac halkaas ku dhexmaray kuwaasoo socday dhowr maalmood dad badana ay ku naf waayeen.

 

Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhintay dagaalkii shalay halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan warar laga helayo degaanka, waxaana jira barakac ay sameeyeen qoysas halkaas ku noolaa oo ka baxsanaya colaada halkaas ka aloosan.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maleeshiyada degaanka ay la wareegeen inta badan goobihii ay joogeen xoogaga ahlu sunna waxaana saaka degan xaalada inkastoo rasaas goos goos ah laga maqlayo duleedka Xeraale.

 

Saraakiil ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidamada ahlu suna ee Guriceel Xasan Maxamed Guurre iyo taliye ku-xigeenka Booliska Ahlu sunna ee magaalada Dhuusamareeb ayaa la soo sheegaya iney ku dhaawacmeen dagaalkii shalay.

LEAVE A REPLY