DEG DEG AH: DAD BADAN OO GOORDHOW KU DHINTAY MAGAALADA MUQDISHO &...

DEG DEG AH: DAD BADAN OO GOORDHOW KU DHINTAY MAGAALADA MUQDISHO & GAARI SHAQAALO SAARAN YIHIIN OO….

90
0
SHARE

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Shil khasaaro badan geystay uu saaka aroortii ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

 

 

 

Shilka oo noociisu ahaa Gaari rogmaday ayaa waxa uu ka dhacay wadada Nasiib Buundo ee degmada Shibis.

 

Gaariga rogmaday ayaa waxaa lasoo warinayaa inay la socdeen Shaqaale Shirkadeed, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan.

 

Wariyaasha ayaa soo sheegaya in ku dhawaad shan qof ay dhinteen kuwa intaas ka badan ay dhaawacmeen, laakiin ciidamada dowlada ayaa dadka udiiday iney tagaan goobta shilka ka dhacay.

Dadka dhintay ee shilka galay ayaa lasoo sheegayaa iney ahaayeen shaqaalo shirkadeed waxaana ay kusii jeedeen dekadda magaalada Muqdisho.

 

Gaadiidka Gurmadka ayaa haatan ku howlan iney dhaawacyada ka qaadaan halkaas, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhaaya shilalka gaadiidka, waxaana sabab looga dhigaa gaadiidka oo xooli ku isticmaala wadooyinka.

 

La soco Warkii kusoo Kordha Insha Allah

LEAVE A REPLY