DEG DEG: DAGAALKII UGU XOOGANAA OO KA DHACAY DULEEDKA GAALKACYO & PUNTLAND...

DEG DEG: DAGAALKII UGU XOOGANAA OO KA DHACAY DULEEDKA GAALKACYO & PUNTLAND IYO GALMUDUG OO…

55
0
SHARE

Dagaal xoogan oo udhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa laga soo sheegayaa duleedka magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu ka dhacay deegaanka Jeexdin oo duleedka kaga began magaaladaas, waxaana uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Sida ay sheegayaan wararka ku dhawaad sedex qof oo dhinacyda dagaalamay ah ayaa dhintay tiro kalana dhaawac ayaa soo gaaray, inkastoo khasaaraha uu intaas ka duwanaan karo maadaama xili saq dhexe ah uu dagaalku dhacay.

Dad la wareystay ayaa sheegaya in dagaalkan la isku adeegsaday hub aad uculus, waxaana la ogeyn cida ka dambeysa dagaalkan iyo sababta uu ku bilowday.

Si kastaba, maalmihii lasoo dhaafay ayay xiisado dagaal ka jireen deegaanka dagaalka uu ka dhacay, halkaas oo sidoo kale falal aanooyin qabiil ah ay ka dhaceen.

La soco Wararkii soo Kordha Insha Alla

LEAVE A REPLY