DHAGEYSO: WASIIRKA GAASHAANDHIGGA “DADKA LAGU DILAY BARIIRE WEY HUBEYSNAAYEEN, HUBKA INAY DHIGAAN...

DHAGEYSO: WASIIRKA GAASHAANDHIGGA “DADKA LAGU DILAY BARIIRE WEY HUBEYSNAAYEEN, HUBKA INAY DHIGAAN WEY DIIDEEN”.

49
0
SHARE

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa xaqiijiyay in howl galkii ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka, isagoo xusay in baaritaan uu socdo.

Wasiirka oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo howl gal ku jira ay rag hubeysan soo rasaaseeyeen, isagoo xusay in laga codsaday markii hore in hubka dhigaan, balse ay diideen.

 

“Ciidamada oo ku guda jiray howl galka, ayaa Rag hubeysan oo Soomaaliyeed laga codsaday inay hubka dhigaan ayaa diiday, qaabkaas ayay xabada ku bilaabayay, dadka meesha lagu dilay hubkooda waa la soo qaaday, su’aasha meesha taal waxa waaye rag sidaas hubeysan inay Al-Shabaab dhexdooda ku noolaadaan”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

 

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in la baarayo hadii ay yihiin maleeshiyo beeleed, dad beeraley iyo Al-Shabaab, balse waxaa uu xusay in dadkaas la dilay ay hubeysnaayeen, ayna diideen inay hubka dhigaan.

 

Wasiirka ayaa beeniyay wararka sheegaya in howl galkaas ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo ay leedahay Shirkadda Bancroft oo Ciidamada ka taageerya dhanka Lojistikada, waxaana uu xusay in aanay jirin ciidamo ay leedahay shirkadaas.

<strong>Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:</strong>

LEAVE A REPLY