DOWLADDA, MA QAAB QABIIL AYAA LOOGU SHAQEEYAA? AKHRISO IN WASAARADDA XAQUUQUL INSAANKA...

DOWLADDA, MA QAAB QABIIL AYAA LOOGU SHAQEEYAA? AKHRISO IN WASAARADDA XAQUUQUL INSAANKA AY QALAD GASHAY IYO IN KALE!

70
0
SHARE
Deqa Yasin, the Deputy Chairperson of the Federal Indirect Electoral Implementation Team (FIEIT),

Todobaadkan wasaaradda haweenka iyo arrimaha xaquuqul Insaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa boggeeda Internet-ka ku xayeysiisay jagooyin ka bannaan Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquul Insaanka, iyada oo shuruudaha codsadaha ku soo dartay qabiilka, qabiil hoosaadka iyo jufada, arrintaas oo caro dhalisay, dad badan ayaa cambaareeyay iyaga oo dowladda ku eedeeyay in ay bilowday in dadka shaqada ku siiso qaab qabiil.

 

Hadaba, baaritaan aanu sameynay waxaan ku ogaaney in wasaaraddan Arrimaha Xaquuqul Insaanka ay tahay waasaradda keliya ee ka run sheegtay qaabka loo maro shaqaaleysiinta hey’adaha dowladda  guud ahaan gaar ahaanna guddiyada madaxabannaan, waa wasaaradda keliya ee qurbajoogta u furtay fursad ay shaqo ku soo codsan karaan iyaga oo dibadda jooga, la yaab ma leh arrinta ay wasaaradda haweenka sameysay marka aad akhriso heshiisyada KMG ahaa, habka wax loogu qeysado dowladda federaalka ah, mana aha wax ugub ah, waa heshiisyo qoran iyo qaar aan qorneen oo dowladda federaalka ah ku dhisan tahay!!

Xulista Guddiyada Madaxabannaan: Guddiyada Madaxabannaan ee dhisan iyo qaarka dib laga dhisi doona waxaa inta badan lagu saleeyaa 9 xubnood, dhammaantood waxaa lagu xulaa qaabka 4.5 ee qabiilka, oo qofka marka uu FORM-ka buuxinayo waxaa qasab ah inuu qoro beeshiisa ama jufada uu ka dhashay, si looga fogaado in hal beel dhowr guddi ay madax ka noqoto, arrintaasi waa saami qeybsi lagu heshiisyay oo qoran, sidaasi waxaa ii xaqiijiyay guddoomiyeyaasha guddiyada madaxabannaan ee hadda dhisan, arrinta Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquul Insaanka ay soo kordhiyeen waa iyaga dibadda soo dhigay arrin sharci ah oo Soomaalida ku heshiisay oo qaab qarsoodi ah loo fulin jiray!!

 

Todobaadkan, Wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad Cumar waxaa  uu hortagay golaha shacabka, mooshinka laga keenay ma aheyn shaqo xumo wasaaraddiisa ah balse waxaa lagu heystay si wax laga weydiiyo ku dhaqan la’aanta faritaanka sharci Lr. 112 sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda ee dalka la dhaqangalay 05/09/2013 gaar ahaan qodobkiisa 1aad(b) iyo qodobka 4aad ee shuruudda diblomaasiga dibadda loo diraayo……Haddii si kale hadalka loo dhigo, waa hubinta nidaamka 4.5!

 

Sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda qodobkaasi 1aad(b) waxaa uu u qoran yahay  sidan:

 

(B)Magacaabista  Madaxa  Ergooyinka,  Qunsuliyadaha iyo Hawlwadeennada   Diblomaasiyiinta ah;  waa in la waafajiyaa  isku-dheelitirka  Habka Awood Qeybsiga Dalka.

 

Hadda, waxaa socdo qorista shaqaale loo rabo gobolkan Banaadir, dadkaasi waxaa lagu xulayaa qaab qabiil, oo waxaa socdo in Xildhibaan kasta oo wacanayo dadka waxtarka u leh beeshiisa si shaqo u siiyo.

 

Xildhibaanno federaalka ah oo arrintan kala sheekeystay waxaa ay qabaan in beel walbo ogtahay inta qof ee ugu jirta dowladda federaalka ah, isla markaana ay xaq tahay in beel walbo ay qoondo ku yeelato dowladda, laakin waxaa uu ka gaabsadeen in uu ka jawaabaan in Foomka lagu buuxinayo la sharciyeeyo oo lagu doro qaanadda qabiilka iyo in kale.

 

Laga soo bilaabo 2000, dalka waxaa soo martay 5 maamul min Cabdiqaasim Salaad illaa Farmaajo, kala shaki iyo is aamminaad la’aan jirtay awgeed waxaa la hirgeliyay nidaamka 4.5, qabiilka ayaa daawo noqdey, 2004tii wixii ka dambeeyay sharci ayey noqdeen, waqti uma heyno sheekadaasi dheer, laakin waxaan sheegi karnaa Madaxweynaha waxaa shaqada lagu siiyay qabiilkiisa, ra’isul wasaaraha sidoo kale, golaha wasiirrada iskaba daa’e  halka Laba aqal ee baarlamaanka ay qabiil aabihiis yihiin….waxaa intaa dheer maamul goboleedyada, maamulka Banaadir, agaasimeyaasha, guddiga dowladda iyo dhammaan jagooyinka waxaa lagu qeysadaa qaab qabiil, dacwana lagama qabo, Hadaba, Maxaa keenay in laga cabsado tillaabadan cusub ee xulista Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquul Insaanka?

 

Form-ka qabiilka ku qoran ee wasaaradda Arrimaha Xaquuqul Insaanka Dowladda federaalka soo gudbisay, waa tillaabo geesinnimo leh, waa ka gudbista Taboo ama xaqiiqo la qarin jiray oo kor loo dhahay, bal waxaa ay aheyd in wasaaradda lagu ammaano, isla markaana la bilaabo dood ku saabsan sidii qaabkaasi cusub loo dhaqan gelin lahaa oo looga rasmiyeyn lahaa hey’adaha dowladda federaalka ah ama looga gudbi lahaa oo halka maanta qofka shaqada lagu siiyo yaad taqaan iyo Qabiilkiisa, qofka Soomaaliga ah uu shaqo ku helo, Maxaa taqaan?!

 

Dhinaca kale, bal sidee xaaladda Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquul Insaanka, waxaan soo akhriyay sharciga.

 

June 6, 2016-kii golaha shacabka ayaa aqlabiyad ku ogolaaday sharci lagu dhisayo guddiga madaxabannaan ee xuquuqul Insaanka, madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa isna saxiixay 27/06/2016-kii….sababta guddigan loo dhisayo waxaa lagu sheegay in laga hortago gaboodfal kasto ee wax u dhimaayo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Maxaa Ku Qoran Xeerka:

 

Aasaaska Guddiga: Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka  ee Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa mid  waafaqsan Qoddobada 41 iyo 111B  ee Dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Guddiga wuxu yeelanayaa shakhsiyad qaanuuneed oo uu ku saxiixi karo  heshiisyo leh awood qaanuuneed oo u fududeenayo howlaha lagama maarmaanka u ah habsami u socodka iyo xilgudashadiisa si waafaqsan  sharcigan,

 

Guddiga wuxuu awood u leeyahay inuu yeelan karo, iibsan karo, iskana iibin karo hantida guurtada iyo maguurtada iyo  In uu sameysan karo astaan iyo shaabad u gaar ah.

 

Shuruudaha Xubinnimada Guddiga:  Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka waxaa xubin ka noqon kara qofkii buuxiya shuruudaha soo socda.

 

In uu yahay muwaadin Jumhuuriyadda Soomaaliya,  In uu haysto Shahaado Jaamacadeed la aqoonsan yahay oo la xiriirta , qaybaha culuumta soo socda, Shareecada iyo Fiqiga,  Arrimaha Maamulka idaariga, Dhaqaalaha iyo Maaliyadda, Diblumaasiyadda iyo Xiriirka Caalamiga, Culuumta jinsiga iyo horumarinta bulshada,  Arrimaha Xuquuqul Aadanaha.

 

Sida muuqato shuruudaha sharciga kuma jiro qabiilka, laakin waxaa meesha ku jira nidaamka 4.5 ee beelaha ay ku heshiiyeen, taasi oo loo raacayo xulista guddiga kasta.

 

Guddiga kmg ee Xulista Murashaxiinta: Si waafaqsan Qodobka 111 (2) ee Dastuurka Federaalka, Wasiirka Wasaaradda u xilsaaran Xuquuqul Insaanka wuxuu muddo 30 beri guduhood ku dhisayaa, asagoo la tashanaya Dowlad Gobolleedyada, hey’addaha bulshadda iyo Maamul Gobolleedyada kmg ah kana codsanayo iney soo magacaabaan sagaal iyo toban (19) xubin oo ka mid noqdaan Guddiga kmg ah ee xulista murashaxiinta:

 

Dowlad/Maamul Gobolleed (kmg ah) walba waxay soo gudbineysaa min laba (2) xubin ayaga  oo la tashanaaya Hay’addaha Bulshadda ee gobolkaas oo mikood Haween tahay.

 

Qaab-dhismeedka Guddiga.

 

Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka wuxuu ka kooban yahay Sagaal (9) Xubnood si waafaqsan Qodobka 111B (4) ee Dastuurka Federaalka, oo Saddex (3) xubnood ka mid ah Guddiga waa iney noqdaan haween iyo hal (1) xubin oo ka timaada dadka baahida gaarka ah qaba (Naafo).

Guddiga wuxu yeelanayaa Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghaye oo xubnaha iska dhexdooranayaan, kulankiisa ugu horeeya waxaa shir  guddoominaya xubinta ugu da’da weyn.

Haddii Guddoomiyaha Guddiga loo doorto xubin rag ah Guddoomiye Kuxigeenka waa iney noqotaa haweeney. Haddiise haweeney loo doorto Guddoomiye Guddoomiye Ku-xigeenka waa inuu rag noqdaa.

Muddada xil-heynta xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka waa hal xilli oo dhan Afar (4) sano waxaana la cusbooneysiin karaa hal mar oo keliya.

Guddiga wuxuu sameysanayaa qaab-dhismeedka xafiisyadiisa maamuleed ee howl-fulinta.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

LEAVE A REPLY