DOWLADDA SOOMAALIYA OO HANJABAADII UGU ADKEYD JEEDISAY & CIIDAMADA XASILINTA OO LOO...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO HANJABAADII UGU ADKEYD JEEDISAY & CIIDAMADA XASILINTA OO LOO OGOLAADAY IN….

24
0
SHARE

Xukuumada Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay wado qorshe cusub oo maleeshiyaadka Al-shabaab looga sifeynaayo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Xukuumadu waxa ay tilmaantay in dadaalka Al-shabaab looga sifeynaayo magaalada Muqdisho loo kaashan doono Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka.

 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Somalia Eng Yariisow ayaa sheegay in qorshaha sifeynta Al-shabaab lau doonaayo in magaalada Muqdisho looga dhigo amni.

 

Waxa uu Wasiirka sheegay in amniga magaalada Muqdisho aan la xaqiijinkarin haddii la waayo dad shacab ah oo amniga kala shaqeeya Hay’adaha amniga.

 

Waxa uu dadka magaalada Muqdisho ugu baaqay inay la shaqeeyan ciidamada amaanka ee ka howlgali doono dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaa oo ka shaqeyn doona sugida amniga.

 

”Wey naga go’an tahay inaan wax ka bedelno amni darida kusoo rogaal celisay magaalada Muqdisho, waxaan ku baaqeynaa in lala shaqeeyo ciidamada si aan u gaarno amni”

 

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ayaa la faray inay la imaadan isbedel dhanka amniga ah.

LEAVE A REPLY