FAAHFAAHINO KA SOO BAXAYA WEERAR QARAXYO KU BILOWDAY OO HABEENKII LABAAD DHACAY...

FAAHFAAHINO KA SOO BAXAYA WEERAR QARAXYO KU BILOWDAY OO HABEENKII LABAAD DHACAY DEGMADA AFGOOYE.

42
0
SHARE

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weeraray habeenkii labaad degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

 

Weerarkan oo markii hore ku bilowday labo qarax oo loo adeegsaday bambooyin ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay fariisin Ciidamada Dowladda ku leeyihiin agagaarka saldhiga degmada Afgooye.

 

Ciidamada Dowladda oo markii horeba ku jiray feejignaan dheeri ah, maadaama habeen hore la weeraray ayaa iska caabiyay dagaalyahanada Al-Shabaab ee soo weeraray sida wararku sheegayaan.

 

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka kooban ee ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray degmada Afgooye.

 

Intii uu weerarkan socday ayaa Ciidamada AMISOM ee degmadaas ku sugan waxay rideen Madaafiic, kuwaasoo ku dhacay duleedka degmada Afgooye, kuwaasoo iyana ilaa hadda aan la ogeyn cida wax ku noqotay.

LEAVE A REPLY