GALMUDUG OO GO’AAMISAY IN LA SOO XIRO SHIIKH MUUQAAL LAGA NAXAY KU...

GALMUDUG OO GO’AAMISAY IN LA SOO XIRO SHIIKH MUUQAAL LAGA NAXAY KU FAAFIYEY BARAHA BULSHADA.

21
0
SHARE

Kulan dhexmaray Masuuliyiinta Wasaarada amniga Maamulka Galmudug iyo Wasaarada Arrimaha diinta iyo Awqaafta ee Maamulkaas ayaa waxaa lagu go’aamiyey in la soo xiro nin sheegtay Culimada Galmudug.

 

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdi-wali Afyare Cali oo isagu sheegta inuu yahay Shiikh ayaa lagu heestaa Muuqaalo lagu faafiyay Baraha bulshada oo aad looga naxay.

 

Muuqaalka uu ninkan iska soo duubay ayaa muujinaya isagoo soo bandhigaya sawirka qof Soomaali ah oo uu ku sheegay inuu yahay nebi Muxamed NNKH taasoo dad badan oo Soomaliyed caro xoogan ku abuurtay

 

Waxaa la filayey maanta in Culimada Gobolka Mudug qaarkood ay isku yimaadeen isla markaana ka hadlaan arinta taagan, balse waxaa soo baxay amarka Masuuliyiinta Maamul Goboleedka Galmudug.

 

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Amniga Galmudug Mahad Xassan Maxamed ayaa amar ku siiyay Ciidamada Maamulkaas in ay Gacanta ku soo dhigaan ninkaas si loo maxkamadeeyo maadaama uu been abuur weyn ka sameeyey Nebi Muxamed NNKH.

 

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada dalka ka jira in uusan ku dhuuman deeganadooda oo hadii ay arkaana soo qabtaan.

LEAVE A REPLY