HANJABAADYO HAWADA LA ISKU MARIYAY & XIISAD MEEL XUN GAARTAY OO KA...

HANJABAADYO HAWADA LA ISKU MARIYAY & XIISAD MEEL XUN GAARTAY OO KA DHEX TAAGAN MADAXDA GALMUDUG (CIIDAMO DIDAY…)

23
0
SHARE

Xiisad Siyaasadeed oo aad u kacsan ayaa ka jirta magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug kadib go’aanadii is khilaafsanaa ee kasoo baxay Madaxweyne Xaaf, ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay kulamo xasaasi ah ka socdeen magaalada Cadaado iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada ay isku dayayaan iney xaliyaan xiisada siyaasadeed ee taagan.

Laakiin qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in Madaxweyne XAAF uu isticmaalay awood isla markaana uu hor istaagay kulamadii baarlamaanka sidoo kale uu hanjabaado udiray gudoomiha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka.

Sidoo kale, Xildhibaanada qaar ayaa aamisan in wax walba wadahadal lagu xalin karo oo laga heshiin karo.

Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa si cad uga soo horjeestay go’aankii ay dowlada dhexe ka qaadatay Khilaafka Carabta, waxaana uu sheegay iney taagersan  yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka laakiin saacado kadib go’aankaas waxaa hadlay madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyo gudoomiyaha baarlamaanka kuwaas oo sheegay in go’aanka dowlada ay taageersan yihiin.

Madaxweyne Xaaf oo Arintaas ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha dowlada Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ay qaab qabiil ula soo xarireen siyaasiintaas laakiin aysan qaadan doonin isagana uu yahay madaxweynaha amarka ka bixiya Galmudug

LEAVE A REPLY