Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay furitanka howlaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya

Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay furitanka howlaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya

181
0
SHARE

Ahmed Abuu Al-Qeyd oo ah Xoghayha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweeyay horumarka iyo guulaha laga gaaray Doorashadii ka dhacday dalka Soomaliya oo ay ku soo baxeen Xildhibnaanada cusub ee Barlamanka labada aqal ee Soomaaliya.

Xogjhahaya Guud ee Jaamacadda Carabta wuxuu kaloo talaabo horumar ah ku tilmaamay furitaanka fadhiyda howlaha Xubnaha Baarlaanka cusub ee Soomaaliya , taasoo 31 kii bishii hore ee Dishenber ay ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Mohamed Cafiifii oo ah afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inay Jaamacadda Carabta ay u aragoto talaabo horumar ah oo geesinimo ah ee hore loo qaaday Siyaasadda iyo dimoqaradiyadda dalka Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay ka tarjumayso masaalixda caamka ah ee shacabka Soomaaliyeed iyo waliba midda xasiloonida guud ee dalka.

Afhayeenku wuxuuna daboolka ka qaady inay Jaamacdda Carabta ay diyaar u tahay ka qeyb qaadato kormeerka doorashada Guddoonka sare ee Xubnaha Baarlamnka cusub ee Soomaaliya, ayna u oo diri doonto Soomaaliya wafdi sare oo indha indheeya hanaanka doorasho ee hogaanka Baarlamanka iyo tan Madaxweynaha cusub ee Soomliya oo la filyo inay dhawan dalka ka dhacaan.

LEAVE A REPLY