Joe Biden: Trump waxaa la gaaray waqtigii aad qof weyn noqon lahayd;...

Joe Biden: Trump waxaa la gaaray waqtigii aad qof weyn noqon lahayd; waxaad tahay madaxweyne.

208
0
SHARE

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa ka dalbay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump inuu si munaasab ah u dhaqmo oo carruurnimada dhanka habdhaqanka ah uu ka koro.

Wuxuu wax ka weydiiyay Trump farriimaha uu twitterka soo dhigayay laga soo bilaabo markii xilka loo doortay. Biden ayaa si u gaar ah u fasirtay farriimahaa.

“Ka korso Donald; waxaa la gaaray waqtigii aad qof weyn noqon lahayd; waxaad tahay madaxweyne.” Khamiistii shalay ahayd ayuu sidaa yiri Biden.

Biden iyo madaxweyne Obama ayaa la filayaa inay xilalka toos u wareejiyaan 20ka bishaan markaa oo dawlada Trump ay talada la wareegi doonto.

LEAVE A REPLY