Jubbaland oo Guddi qaban-qaabo u saartay shirka dowlad goboleedyada ee Kismaayo (Daawo...

Jubbaland oo Guddi qaban-qaabo u saartay shirka dowlad goboleedyada ee Kismaayo (Daawo Sawirro)

15
0
SHARE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha Xukuumada ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn iyo labada Madaxweyne ku xigeen.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha warbixin ka siiyay safarkii dhawaan uu ku tagay gobolka Gedo iyo waxyabahii usoo qabsoomay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo golaha uu uga warbixiyay halka ay marayso xaalada Siyaasada dalka isagoo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaalada uu ugu jiro sidii Magaalada Kismaayo loogu qaban lahaa kulan wadatashi ah oo xaalada dalka lagu dajinayo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha golahu ay u diyaar garoobaan sidii shirkaas oo si habsami leh ugu qabsoomi lahaa isla markana wuxuu dadweynaha ka codsaday in ay nabgalyada adkeeyaan.

Waxaa xubnahu ay isku raaceen in loo diyaar garoobo qabsoomida shirka iyadoo martida ka qayb galaysa Shirka Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada dhexe loo sameeyay gudiyo hawshan qaban qaabiya isla markana dardar galin doona hawlaha shirka.

Labada Madaxweyne kuxigeen iyo xubno katirsan golaha ayaa hawshan hormuud looga dhigay iyadoo si rasmi ah loo bilaabay qaban qaabada shirka oo bilaabanaya Todobadkan gudahiisa.

Waxaa kale oo kulanka golaha Wasiirada oo ahaa mid aan caadi ahayn lagaga hadlay sidii loo meel marin lahaa xeerka dhulka iyo hantida Dowlada sida ugu dhaw bacdamaa ay muhiim tahay in dhulka dhisan ama banana ee ay Dowladu leedahay in gacanteeda lagu soo celiyo waxaana kulanka kan xiga xubnaha golaha loogu qaybin doona qoraalka xeerkan oo dhamaystiran.

Golahu waxaa kale oo ay ka hadleen dhacdadii diyaaradaha dagaalku ay ku duqeeyeen dad shacab ah gobolka Gedo iyadoo la isku raacay in baaritaan dheeri ah la sameeyo Xukuumaduna ay go’aan rasmi ah oo hawlgalada noocan ah la xiriira soo saarto.


LEAVE A REPLY