KHILAAF XOOGAN OO U DHAXEEYA MADAXDA MAAMULKA GALMUDUG OO MEEL XUN MARAYA.

KHILAAF XOOGAN OO U DHAXEEYA MADAXDA MAAMULKA GALMUDUG OO MEEL XUN MARAYA.

27
0
SHARE

Waxaa Khilaaf xoogan xiligan uu ka dhax jiraa Hogaanka ugu sareeya maamulka Galmudug, Khilaafkan ayaana ka dhashay go’aankii uu maamulkaasi ku taageeray Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ee xayiraada kusoo rogay dalka Qadar.

 

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmdug Xaaf ayaa lagu taageeray Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka, waxaana go’aankaasi sidoo kale si wadajir ah uga soo horjeestay Madaxwene kuxigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu eedeeyay in go’aanka uu kaligiis iska gaaray wax wadatashi ahna uusan kala sameyn Madaxda kale ee maamulka Galmudug, waxaana hada socda kulamo looga so horjeedo Go’aankii Xaaf kaligiis gaaray.

 

Khilaaf u dhaxeeya Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug ayaa hada meel xun maraya, waxa ayna gaartay heer Madaxdaasi ay Idaacadaha iyo Telefisinada iska eedeeyaan, Baarlamaanka Galmudug ayaa laga yaabaa in ay soo dhax galaan arintan kulana ka yeeshaan.

 

Madaxweyne Xaaf oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka aysan ka hadli Karin arimaha Siyaasada, waxa uuna tilmaamay waxii Siyaasad ah in isaga looga dambeenayo.

 

Go’aanka Maamul goboleedyada badankood ku taageereen Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa laga yaabaa in maamulka Galmudug uu si gaar ah u saameeyo, waxaana durba hada soo banaan baxaya khilaaf xoogan oo go’aankaasi ka dhashay.

LEAVE A REPLY