MADAXWEYNE XAAF OO AMAR CUSUB KA SOO SAARAY XAFIISKIISA MAGAALADA CADAADO (AKHRISO).

MADAXWEYNE XAAF OO AMAR CUSUB KA SOO SAARAY XAFIISKIISA MAGAALADA CADAADO (AKHRISO).

24
0
SHARE

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa soo saaray amar lagu joojinayo shirarka siyaasadeed ee aan ogolaansho looga heysan maamulkiisa.

 

Wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ayuu ku faray laamaha ammaanka iyo ciidamada in la joojiyo kulamada wax u dhimaya amniga iyo xasiloonida Galmudug iyo degaanada hoos yimaada.

 

Xaaf ayaa ayaa shalay dib ugu laabtay Cadaado, kaddib markii uu ka soo kicitimay magaalada Dubai ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta ka dib markii uu taagbeeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee xiriirka u jaray Qatar.

 

Xaaf ayaa isku dayaya inuu wiiqo, olole hoose oo la sheegay iney wadaan madaxda dowlada federaalka kaasoo ku saabsan sidii looga qaadi lahaa xilka.

LEAVE A REPLY