Muhaajiriinta Maraykanka oo waayi doona Shatiyada Baabuurta waaweyn

Muhaajiriinta Maraykanka oo waayi doona Shatiyada Baabuurta waaweyn

258
0
SHARE

Maamulka Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka ayaa sheegay in soo galootiga ay ku jiraan Soomaalidu ay waayi doonaan shatiyada lagu wado baaburta waaweyn, haddii aanay keeni caddeyn muujinaysa dhalashada Wadankaasi ama Warqadda deganaansha ee ay ku joogaan.

Tallaabadaasi ayaa Gobolku ku tilmaamay in ay tahay mid uu ku fulinayo sharciyo federaali ah oo dhinaca shatiyada ah, oo oggolaanaya darawalada ku shaqeeya baabuurta xamuulka qaada iyo buseska waawen, iyadoo waaxda Baabuurta ee Gobolka Ohio ay warqad u dirtay bishii hore 560 muhaajiriin ah, oo la siisay muddo 30 cisho ah inay dukumntiyadoo ku keenaan, ama codsadaan racfaan, amaba ay soo celinayaan shatiyadooda.

Qolyaha u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa sheegay inay cadaalada darro ku tahay Gobolka inuu shatiyada ka qaado dad loo sheegay inay sharciga raaceen markii ay heleen shatiyada, waxaana la sheegay in Dadka sharcigani uu taabanayo ay ka mid yihiin Soomaali tiradooda lagu qiyaasay in ku dhow 130 Ruux, blasé loo malaynayo inay badi sharci haystaan.

LEAVE A REPLY