NABADOON CAAN AH OO LAGU TOOGTAY DEGMADA AFGOOYE & FAAHFAAHINO KA SOO...

NABADOON CAAN AH OO LAGU TOOGTAY DEGMADA AFGOOYE & FAAHFAAHINO KA SOO BAXAYA (MAGACIISA).

64
0
SHARE

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose nabadoon ka tirsanaa waxgaradka degmadaas sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

 

Nabadoon Duraan Cali Axmed ayaa waxaa lagu dilay xaafada Imbagati ee degmada Afgooye meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla xaafadaas sida ay sheegayaan dadka degaanka.

 

Wararka ayaa sheegaya in raga geystay dilka ay goobta ka baxsadeen, iyadoo nabadoonkana uu isla goobtii ku qurbaxay.

 

Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay iney wadaan baaritaano ku aadan dilka nabadoonka oo ka mid ahaa nabadoonada ugu firfircoon ee ka dhexmuuqday bulshada degmada Afgooye.

 

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay dilka nabadoonkan si rasmi ahna looma oga cida geysatay iyo sababta ka dambeysa, hase ahaatee nabadoono fara badan oo horey loogu dilay magaalooyin badan ayaa dilkooda sheegtay Al-shabaab oo ku eedeysay iney la shaqeynayeen dowlada Somalia.

LEAVE A REPLY