QARAX KA DHACAY DULEEDKA MUQDISHO IYO FAAH FAAHINO KASOO BAXAYA.

QARAX KA DHACAY DULEEDKA MUQDISHO IYO FAAH FAAHINO KASOO BAXAYA.

15
0
SHARE

Qarax miino oo laamiga dhinaciisa lagu aasay ayaa lagu weeraray kolonyo gaadid ah ay wateen Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM, xili ay marayeen laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

 

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa miino ayaa ka dhacay Deegaanka Xaawo Cabdi ee Duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lala eegtay gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM oo ka baxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday Shabeelaha Hoose..

 

Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen Ciidamada AMISOM, lamana oga ilaa hada khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay qaraxan AMISOM lala eegtay.

 

Qaraxyada Miino ayaa inta badan ka dhaca laamiga isku xira Magaaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, qaraxyadan ayaana inta badan lala eegtaa gaadiidka ay wataan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ee adeegsada laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

LEAVE A REPLY