RAISUL WASAARE KHEYRE OO KU DHAWAAQAY WAR KA FARXIYEY DHALINYARADA MAGAALADA MUQDISHO.

RAISUL WASAARE KHEYRE OO KU DHAWAAQAY WAR KA FARXIYEY DHALINYARADA MAGAALADA MUQDISHO.

102
0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqey qorshe lagu shaqaaleysiinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 

Maamulka gobolka Banaadir ayuu sheegay inuu fulin doono qorshahan oo uu xusay in lagu shaqaaleysiinayo ku dhawaad 1000 qof oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed.

 

Waxaa uu sheegay in maanta Xafiiskiisa ay kasoo bixin doono Warqad lagu amrayo guddoomiye Taabid inuu qabto shaqadaasi.

 

Dowladda Soomaaliya ayuu xusay iney dadaal badan ku bixin doonto shaqaaleysiinta dhalinyaradda Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan si ay uga joogsadaan iney ku biiraan kooxaha xag jirka ah iyo tahriibka.

 

Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in sidoo kale dowlad goboleedyadda dalka laga fulin doono qorshaha lagu shaqaaleysiinayo dhalinyaradda Soomaaliyeed.

 

Hadalkan ayuu raisul wasaare Kheyre ka sheegay munaasabad lagu xusayey maalinta dhalinyarada caalamka oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

 

Waxaa uu sheegay inuu dabagal ku sameyn doono in tirada dhalinyarada la shaqaaleysiinayo hab cadaalad ah loogu qeybin lahaa degmooyinka Muqdisho, loogana fogaan lahaa in hab musuq maasuq ah lagu bixiyo.

LEAVE A REPLY