SARGAAL KATIRSANAA ONLF OO LAGA DHOOFIYAY MUQDISHO LAGUNA WAREEJIYAY DOWLADA ITOBIYA.

SARGAAL KATIRSANAA ONLF OO LAGA DHOOFIYAY MUQDISHO LAGUNA WAREEJIYAY DOWLADA ITOBIYA.

69
0
SHARE

Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyay sargaal sare oo katirsanaa Jabhada ONLF ee ka dagaalanta gobolka Soomaali Galbeed.

 

Sargaalkan oo lagu magacaabo C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa todobaadkii hore ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya kasoo qabteen Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana la geeyay magaalada Cadaado halkaas oo ugu dambeyn loogu soo gudbiyay Muqdisho.

 

Ciidamo katirsan Nabad Sugida Soomaaliya ayaa kasoo dejiyay magaalada Muqdisho sargaalkan katirsanaa Jabhada ONLF , waxaana ugu dambeyn sargaalkan maanta laga dhoofiyay magaalada Muqdisho iyadoona lagu wareejiyay saraakiil kasocotay Dowlada Itoobiya.

 

Saraakiil iyo masuuliiin katirsan Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in gacan ka geesteen sidii sargaalkan loogu wareejin lahaa dowlada Itoobiya, waxaana sargaalkan Muqdisho markii laga dhoofiyay lasii marsiiyay magaalada Baydhabo, iyadooba ugu dambeyn la geeyay Itoobiya.

 

Sida aan Wararka ku heleyno C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa hada lagu hayaa magaalada Nazaret oo ah ku taal xarunta ugu weyn ee Sirdoonka Itoobiya, waxaana sargaalkan in mudo ah baadi goob ugu jirtay dowlada Itoobiya.

 

Sargaalkan oo kasoo jeeda Deegaanada Soomaali Galbeed ayaa kamid ahaa hogaanka Jabhada ONLF , waxa uuna in mudo ah kunoolaa magaalada Gaalkacyo, waxaana xiritaanka sargaalkan ka carooday maamulka Galmudug.

 

Waa markii ugu horeesay dowlada Soomaaliya u gacan galiso dowlada Itoobiya xubin katirsan Jabhada ONLF, waxaana horey maamulada dalka ka jira qaarkood saarkaiil iyo xubno kale oo lagu tuhmayo ONLF ku wareejiyeen dowlada Itoobioya.

LEAVE A REPLY