SHACABKA KA SOO JEEDA SOMALILAND OO LOOGA DIGAY INEY U SAFRAAN MAGAALADA...

SHACABKA KA SOO JEEDA SOMALILAND OO LOOGA DIGAY INEY U SAFRAAN MAGAALADA MUQDISHO.

93
0
SHARE

Maamulka Somaliland ayaa Shacabkooda uga digaya inay u socdaalaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Axmed Cige (Deyr) oo Saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho aysan aheyn mid amaan ah, isla markaana lagu dilo dadka ka soo jeeda degaanadooda.

 

Waxaa uu sheegay in laga doonayo Shacabka Soomaaliland inaysan ku degdegin inay tagaan Muqdisho.

 

Hadalka ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa yimid maalmo ka dib markii degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ay kooxo hubeysan dil iyo dhaawac ugu geysteen qoyska Maamulaha shirkada Dahabshiil ee koonfurta Somalia.

 

Balse hadalka Somaliland ayaa ka yaabiyey dad badan maadaama weerarada mar walba ka dhaca ay ku dhintaan dad ka soo jeeda Koonfurta Somalia, waxaana dad badan ay hadalkaas ku sifeeyeen mid aan xikmad laheyn.

LEAVE A REPLY