SHEEKH AADAN SUNNE OO XABSI LA DHIGAY IYO RASAAS LOO ADEEGSADAY DAD...

SHEEKH AADAN SUNNE OO XABSI LA DHIGAY IYO RASAAS LOO ADEEGSADAY DAD XARIGIISA DIIDANAA.

53
0
SHARE

ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada la dagaalanka Argagaxisada ee loo yaqaano RRU ay xabsiga dhigeen Sheekh Aadan Sunne oo kamid ahaa Culumada Caanka ah.

 

Ciidamada ayaa xalay u dhacay guri uu magaalada Hargeysa ka degnaa Shekh Aadan Sunne, waxaana ciidamada markii ay damceen in ay xiraan wadaadka diidmo kala kulmeen dadka deegaanka oo ka hor yimid in wadaadka la xiro.

 

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada RRU ayaa rasaas u adeegsaday sidii dadka u kala eryi lahaayeen waxa ayna ugu dambeyn gurigiisa kala soo baxeen Sheekh Aadan Sunne oo hada ku xiran xabsi kuyaala Hargeysa.

 

Wali si rasmi ah looma oga sababta loo xiray Wadaadkan oo ah nin aan la gamban fikradihiisa mararka qaarna dhaliil usoo jeediya maamulka Somaliland, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Sheekh Aadan Maalintii Ciida uu dhaliilay maamulka Somaliland.

 

 

Sheekh Aadan Sunne ayaa marar badan lagu xiray magaalada Hargeysa, waxaana markii ugu dambeyay lagu sii daayay cafis uu u fidiyay Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

LEAVE A REPLY