SIYAASIGA XASAN MUUDEY OO XOG LAYAABLEH KA BIXIYAY SABABTA AY SOOMAALIYA MARQAATI...

SIYAASIGA XASAN MUUDEY OO XOG LAYAABLEH KA BIXIYAY SABABTA AY SOOMAALIYA MARQAATI AAMUSAN UGA TAHAY SHIR WUXUUA QM.

31
0
SHARE

Siyaasiga Xasan C/qaadir Muudey, ayaa dhaliilay Madaxda Dowladda Somaliya, ka dib markii shaki laga muujiyay khudbaddii la fillayay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu ka jeediyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobe uga soconaya Magaalada New York ee Wadanka Mareykanka.

 

Antonio Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe, ayaa qoraal ku cadeeyay in Somaliya iyo saddex dal oo kale aanay shirka ku yeelan doonin wax cod ah, iyagoona martiqaad uun ka noqon noqonaya, sababo ku aadan iyagoo aan bixin lacagaha tabarucaadda, ee ay tahay inay sanad kasta bixiyan wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobe. Waxaa la sheegay dalalkan inaysan laba sano wax lacago ahi bixin.

 

Xasan C/qaadir Muudey, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Dowladda Somaliya ay qoraalkaasi ku soo baraarugtay shalay uun, xilli wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ay ku sugan yihiin Magaalada New York.

 

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay in la waayo codkii aan ku lahayn Shirka Qaramada Midoobe uga soconaya Magaalada New York. Haddii ayba dhacday in codkaasi la weynayo waxay ahayd in laga sii warqabo.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

 

Wuxuu kaloo yiri “Waxaa layaab leh in Madaxdii Qaranka ay qoraalka Qaramada Midoobe helayn Talaadadii shalay, mar ay taggeen Magaalada New York, waxaa laga rabay in iyagoo xog ogaal ah ay taggaan shirka.”

 

Isagoo la hadlayay Warbaahinta, ayuu yiri “Sida ay Saxaafadda ogaatayba Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe, Antonio Guterres, ayaa 7-dii bishan soo saaray afar dal oo Somaliya ku jirto inaysan wax cod ah ku yeelan doonin shirka, taasoo lagu sababeeyay inaysan dhiibin kharashka ku waajibka ah inay bixiyan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobe.”

 

Xasan C/qaadir Muudey, ayaa yiri “Maaha wax ku wanaagsan qaranimada iyo dowladnimada, weji gabaxa ay wefdiga Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre kala kulmeen Magaalada New York. Waxay tani ayaan-darro ku tahay qaranimada iyo sharafka dalka.”

 

Waxaa uu intaa raaciyay “Dunida oo Somaliya u aqoonsatay dal ka gudbay xilligii ku meel gaar, filan-waa ayaa loo arki karaa inay dhacdo masuuliyiintii dalka oo martiqaad ku ah Shirka Qaramada Midoobe.”

 

Ina Muudey waxa uu iftiimiyay in Dowladda Somaliya ay codkeeda ku soo ceshan karto inay bixiso lacagta laga doonayo amaba ay Golaha Guud ee Qaramada Midoobe u cadayso inaanay bixin karin, iyadoo ay awood u leeyihiin inay jidgooyada ka horqaadan.

 

“Somaliya waxaa u furan laba wado oo codkeeda ay ku soo ceshan karto, inay bixiso lacagaha ay waajibka tahay inay bixiso, haddii taas la waayana Golaha Guud ee Qaramada Midoobe inay ka la codsato in kharashkaasi laga cafiyo, iyadoo cadeynaysa inaysan bixin karin.” Ayuu yiri Muudey.

LEAVE A REPLY