WADAHADAL MAGAALADA ADDIS ABABA UGA FURMAYA DOWLADA SOMALIA & MAAMULKA SOMALILAND.

WADAHADAL MAGAALADA ADDIS ABABA UGA FURMAYA DOWLADA SOMALIA & MAAMULKA SOMALILAND.

13
0
SHARE

Wasiiro ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya & Maamulka Somaliland ayaa la filayaa iney gaaraan Magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya halkaasoo uu uga furmayo wadahadal.

 

Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Farxaan Aadan Heybe oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wufuud ay kala horkacayaan isaga iyo Wasiirka duulista iyo Saadaasha hawada Somalia ay wadahadalkaas ka qeyb geli doonaan.

 

Farxaan Aadan Heybe ayaa intaas ku daray in wadahadalka ka furmaya Addis ababa looga hadlayo sida ay heshiis uga gaari lahaayeen maamulka hawada Somalia oo la filayo in dhowaan ay la wareegto dowlada Soomaaliya.

 

Somaliland oo 26 sano ka hor ku dhawaaqday iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa dhowaan sheegtay ineysan aqbali doonin hawadeeda in laga maamulo Muqdisho ayna awood u leedahay iney maamulato.

 

Heyadda ICAO ee hoostagta QM ayaa lagu wadaa iney dhowaan maamulka hawada dalka ku wareejiso dowlada federaalka Somalia ka dib muddo 27 sano ah oo ay gacanta ku heysay.

LEAVE A REPLY