WADAMO BADAN OO QARKA U SAARAN IN AY AQOONSADAAN PASSPORT KA SOOMAALIGA...

WADAMO BADAN OO QARKA U SAARAN IN AY AQOONSADAAN PASSPORT KA SOOMAALIGA IYO SABABTA KEENTAY.

47
0
SHARE

Waxaa sare u kacaya marba marka ka dambeysa qiimaha iyo aqoonsiga uu helayo Passporka Soomaaliga, waxaana ugu danbeesay aqoonsigii dowlada Norway ay ku aqoonsatay Passport Soomaaliga, waxa ayna taasi u noqotay gogol xaar in ay wadamo badan ka tirsan qaarada Yurub iyo qaarado kale ka fekeraan in ay aqoonsadaan Passaport-ka Soomaaliga.

 

Dhawaan ayaa la filayaa laamaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Midowga Yurub iyo wadami kale in ay booqasho ku yimaadaan magaalada Muqdisho si ay ugu kuur galaan qiimeyn badana ugu sameeyaan habka qaadasha ama bixinta passport Soomaaliga.

 

Sanadkaan 2017-ka waxaa sare uu kacay meel sarana gaaray qiimeynta iyo halka uu kaga jiro Passprtka Soomaaliga , waxa ayna taasi noqotay guul usoo hoyatay Dowlada Soomaaliya iyo shacabkeeda oo baahi badan u qaba in aqoonsi buuxo uu helo Passaport-ka Soomaaliga .

 

 

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Gaashaanle sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa waqti badan ku bixiyay sidii Passaborka Soomaaliga u noqon lahaa mid laga aqoonsado wadamo badan oo caalamka kuyaala si Dadka Soomaaliyeed ugu fududaatao in ay ku tagaan meeshii ay doonaan.

 

Hamiga Agaasimaha Guud ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada ayaa ah in qofka Soomaaliga isaga oo wata passportkiisa uu ku tago meel kasta oo caalamka ka tirsan sarana u qaado qiimaha uu leeyahay Passabortka Soomaaliga, waxaana rajo badan laga qabaa in uu guuleesto dadaalka Koofi

 

Waxaa xusid mudan in Agaasime Koofi dib u habeyn balaaran ku sameeyay xarumaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya gaar ahaan xarumaha kuyaala magaalada Muqdisho iyo xarumaha Maamul goboleedyada dalka ka jira.

 

Dadka Soomaaliyeed ayaa rajo weyn ka qaba in mar un arkaan Passaport-ka Soomaaliya oo qiimihii uu lahaa dib u soo laabto dadkuna awoodaan in ay ku safraan kuna tagaan daafaha Dunida meeshii ay doonaan, waxaana quluubta dad badan dajisay dadaalka uu hada Wado Agaasime Koofi oo ka shaqeenaya sidii uu Passaport-ka Soomaaliga qiimo badan u yeelan lahaa.

LEAVE A REPLY