Wakaaladda SONNA way turunturootay haddase waa ka tallaabsatay

Wakaaladda SONNA way turunturootay haddase waa ka tallaabsatay

150
0
SHARE

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in kastoo qoraal lagu soo koobi Karin wax qabadkeeda tan iyo intii ay jirtay sida ay u shaqeynaysay, balse waxaa dhidibada loo taagay 5-tii bishii Janaayo sanadkii 1964-kii, waxayna aheyd muhiimadda loo aas aasay ama ay hawsheedu ahaato soo ururinta, habeynta iyo faafista Wararka gudaha iyo dibadda, islmarkaana ay ahaato isha kaliya ee Wararka Dalka laga heli karo, wayna ka soo dhalaashay hawshaasi loo idmaday.
Haddaan wax ka xuso sida ay u shaqeeysay muddadii ay jirta, waxaana ka mid ahaa qaab-dhismeedkeeda Agaasimaha, ku xigeenno, 3 Tafatire oo ku shaqo leh 3-da Meerto ama Shifti, Qoraayaal, Wariyayaal Xaruunta dhexe ka hawlgala, una xil saran soo ururinta Wararka iyo Wariyayaal u joogay Xaruumaha Gobolada Dalka oo dhan, kana soo tabinayay Wararka iyo dhacdooyinka kaleba.

Wakaaladdu muddadii ay jirtay waxay ku tilaabsatay guulo badan, waxayna aqoonsi buuxda ku lahayd Caalamka oo dhan, waxaase si gaar ah xiriir warar isdhaafsi iyo khibrado la laheyd Wakaaladaha Dunida ugu caansan oo ay ka mid yihiin AP, AFP, Reuters, Intertass, DPA, ANSA, INA, MUNA, SUNA iyo kuwo kale oo heer Caalami iyo Goboleedba ah, dhammaantoodna waxaa ka wada dhaxeeyay wada shaqeyn joogta ah.

Balse buruburkii Dalka ka dhacay ee sanadkii 1991-kii ayaa Wakaaladda SONNA saameeyay, waxaana wiiqmay meeqaabkii iyo hawshii ay Qaranka u idmaneyd, waxaana soo baxay Idaacaddo iyo Telefishinno, gaar loo leeyahay oo wada jaantaa rogan ah oo wararka cid walba sida ay rabto u sheegato, nasiib wanaag 8-dii bishii Maarso ee sanadkan 2016-ka ayaa si rasmi ah loogu furay Dhisme cusub iyo inay hawsha ay Qaranka Soomaaliyeed u haysay dib u bilaabato muddo 25-sano kadib, waxaana xarigga ka jaray Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdurashiid Cali Sharmaarke.

LEAVE A REPLY