WAR DEG DEG AH: ALSHABAB OO SAAKAYADAY XOOG KU GALAY KA DIB...

WAR DEG DEG AH: ALSHABAB OO SAAKAYADAY XOOG KU GALAY KA DIB DAGAAL LAGU RIIQMAY.

53
0
SHARE

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in saakay aroortii markii salaada subax laga soo baxay ay xoogaga shabab ay lawareegaan xeri ku dhow magaalada kismayo taasi oo saldhig u ah ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulka axmad Madoobe.

Wararka nagasoo gaaraya goobta dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Buulo Gaduud iyo dhammaan Saldhigyadii melleteri ee ay ku sugnaayeen Ciidanka maamulka Jubbaland.

War rasmi ah oo kasoo baxay maleeshiyada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in kooxdu ay dagaalka Buula Guduud ku qabsadeen sedax gaari iyo saanado melleteri “xrakada ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Buula Gaduud, dhimasho badan ayaa cadowga soo gaartay sedax gaari oo Tiknika ahna waa la qaniimeystay” sidaas waxaa yiri wariye katirsan Idaacadda Andalus” waa sida ay kooxdu hadalka u dhahday.

 

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ciidamada Al Shabaab ay isku fidiyeen Buula Guduud iyo deegaanada hoos yimaad, sidoo kale ciidamada Al Shabaab waxay qabsadeen Bakhaaro Hub ah iyo Keydad shidaal iyo raashin ah oo ay isaga carareen ciidamada Kenya iyo kwa Jubbaland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 400 oo askar soomaali ah ay deganaayeen Buula Guduud halka diyaaradaha Mareykanka ay dhanka cirka ka taageerayeen.

Lasoco wixii soo kordha

LEAVE A REPLY