WAR DEG DEG AH DAAWO: SH-MUQTAAR ROOBOOW OO GUUL WEYN USOO HOYIYAY...

WAR DEG DEG AH DAAWO: SH-MUQTAAR ROOBOOW OO GUUL WEYN USOO HOYIYAY SHACABKA & DOWLADA.

50
0
SHARE

Xog deg deg ah oo naga soo gaareysa Caawa Xaruunta Nabad-Sugida Magaalada Muqdisho ayaa sheegeysa in Sh.Muqtaar Rooboow “Abu-mansuur” tilaabadii Ugu horeysay uu qaaday guul weyn u noqotay Dowlada Federaalka Soomaaliya uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Sheekh Muqtaar Rooboow oo wadahadal kula jira dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku howlan in uu xoojiyo dagaalka uu kula jiro kooxda shabaab waxaana uu ku guuleystay sida aan xogta ku helnay in kooxdaasi uu kala jibiyo.

 

Sheekh Muqtaar ayaa ku qanciyay xubno sar sare kooxda Shabaab ka mid ah in ay dowlada isku soo dhiibaan iyaga iyo ciidamadooda waxaana xubnahaasi xogta xaqiijineysaa in ay yihiin shaqsiyaad awood ku dhex leh shabaab.

durba warkaan wanaagsan waxaa la gaarsiiyay Villa Somalia waxaana socda abaabulka qorshe xoogan oo Saraakiishaasi shabaab kasoo goosanaya lagu soo dhaweynayo iyaga iyo ciidamadooda.

 

Sidoo kale waxaa isku daynay in aan helno Magacyada Xubnaha dowlada isku soo dhiibaya ee aqbalay codsiga Sheekh Muqtaar balse waa inoo suurta gali weysay.

 

 

LEAVE A REPLY