WAR DEG DEG AH: DAGAAL XOOGAN OO KA SOCDA CEEL-WAAQ & SHABAAB...

WAR DEG DEG AH: DAGAAL XOOGAN OO KA SOCDA CEEL-WAAQ & SHABAAB OO LA WAREEGAY…….

25
0
SHARE

War Deg Deg ah oo haatan nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka socdo magaalada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

 

Dadka deegaanka ayaa saaka ku waabariistay dagaal xoogan oo ka socda gudaha magaalada oo ay ku xoogan yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom gaar ahaan Kenya.

 

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ilaa haatan ka dhashay dagaalkan, hadana dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in rasaas aad uculus la isweydaarsanayo.

 

Qaraxyo culus oo loo maleynayo iney ismiidaamin yihiin ayaa lasoo sheegayaa in laga maqlayo gudaha magaalada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo

 

AlShabaab ayaa haatan ku sugan gudaha magaalada oo ka dagaalamaya, lamana oga hadii ay guud ahaan magaalada kala wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom.

 

Xalay ayay aheyd markii ay Shabaab weeraro ismiidaamin ah iyo dagaalo toos ah ku galeen magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, inkastoo markii dambe ay ka baxeen.

 

LEAVE A REPLY