WAR DEG DEG AH: RUGTA GANACSIGA SOOMAALIYEED OO LA BAABI’IYAY JIRITAANKEEDA (AKHRISO...

WAR DEG DEG AH: RUGTA GANACSIGA SOOMAALIYEED OO LA BAABI’IYAY JIRITAANKEEDA (AKHRISO WAREEGTO).

46
0
SHARE

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya Khadra Axmed Ducaale ayaa lagu baa’biyay jiritaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo jiritaankeeda muran badan uu ka jiray.

 

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga ayaa lagu War galiyay Rugaha ganacsi ee Caalamka ka jira iyo Rugaha ganacsiga Maamul goboleedyada dalka in aysan wax macaamiil ama la shaqeyn la yeelan Karin rugta Ganacsiga ee lakala diray.

 

Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegtay in mudo bil gudaheed ah magaalada Muqdisho lagu qaban doono doorashada Gudoonka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo tan gobolka Banaadir oo iyana horey jiritaankeeda loo baa’biyay.

 

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay lagu eedeenayay ku takri fal awoodeed , waxaana inta badan kalsoonida kala noqday Rugtaasi kana soo horjeeday jiritaankeeda Ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY