WAR DEG DEG: DIYAARADO DAGAAL OO DUL HEEHAABAYA CIIDAMADII UU KA SOO...

WAR DEG DEG: DIYAARADO DAGAAL OO DUL HEEHAABAYA CIIDAMADII UU KA SOO TAGAY ROOBOW

37
0
SHARE

Wararka aan ka heleyno deegaanka Abal ayaa sheegaya in ay dul heehaabayaan diyaarado dagaal nooca qumaatiga u kaca ah.

Diyaaradaha oo la sheegay inay labo yihiin ayaa heehaabkooda u badan Deegaanada Abal, Yabaal iyo deegaano kale oo ay ku kala sugan yihiin Xoogaga Roobow iyo Al­shabaab.

 

Diyaaradaha oo aan weli sameyn wax dhaqdhaqaaq ah ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay weerar cirka ah ka geystaan deegaanada ku hareereysan Abal oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo dhuumaaleysanaaya.

 

Diyaaradaha oo guuxooda laga maqlaayo meel fog ayaa qalqal galiyay dadka ku harsan deegaanka kuwaa oo baqdin ka muujinaayo duqeyn ka duldhacda.

 

 

 

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in guuxa diyaaradaha ay kusii xoogeysanayeen saacadihii ugu danbeeyay.

 

Waxa uu Goobjoogaha cadeeyay in dadka deegaanka ay ka baxeen dhammaan goobaha ay suuragalka tahay in diyaaradaha ay ka geystaan duqeynta.

 

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay maleeshiyaadka Shabaab ay ku sugan yihiin deegaano aan sidaa uga sii fogeyn Abal, isla markaana aan la saadaalin karin halka uu hujuumka u badan yahay.

LEAVE A REPLY