WAR DEG DEG: QARAX GOOR DHOW KA DHACAY WADADA MAKA AL-MUKARAMA.

WAR DEG DEG: QARAX GOOR DHOW KA DHACAY WADADA MAKA AL-MUKARAMA.

31
0
SHARE

Qarax xooggan oo gaari loo adeegsaday ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo warar horudhac ah uu ka soo baxayo.

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Xaaji Baasto, halkaasoo la sheegayo in la dhigay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay.

 

Qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareeray, iyadoo meelo fog fog laga arkayay uurada iyo qiica qaraxa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.

 

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay ka shakiyeen gaariga ka hor inta uusan qarxin.

 

Ciidamada Ammaanka ayaa goobo dhowr ah oo gaadiidka lagu baaro ku leh Wadada Maka Al-Mukarama.

 

Wadada Al-mukarama oo ah wado aad u mashquul ah, ayaa halbowle u ah isu socodka qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Dhowr jeer oo hore ayaa qaraxyo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ka dhaceen, iyadoo wadadan ay noqotay halka ugu badan ee qaraxyada ka dhacayeen todobaadyadii u dmabeeyay.

LEAVE A REPLY