WARARKII UGU DAMBEEYAY EE WADAHADALADDA GALMUDUG & AHLU SUNNA OO MEEL WANAAGSAN...

WARARKII UGU DAMBEEYAY EE WADAHADALADDA GALMUDUG & AHLU SUNNA OO MEEL WANAAGSAN MARAYA & QODOBOO…

46
0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo aan caadi aheyn oo magaaladda Cadaado uga soconaya madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

 

 

Saraakiisha Ahlu Sunna ee gaaray magaaladda Cadaado ayaa shalay galab ilaa xalay kulamo kula lahaa madaxtooyadda Cadaado madaxweynaha maamulkaas Axmed Geelle Xaaf iyo madax kale.

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Warqaad.com usheegay in wadahadaladda ilaa haatan ay meel wanaagsan marayaan lana filayo in heshiisyo hordhac ah la gaaroo.

 

“Labada dhinac isku soo dhawaansho ayay muujinayaan, waxaana ay diyaar uyihiin in wax walba ay miiska wadahadalka ku xaliyaan”sidaas waxaa laga soo xigtay sargaal katirsan madaxtooyadda Cadaado.

 

 

 

Wararka ayaa tilmaamaya in Ahlu Sunna Waljamaaca ay qodobo xasaasi ah hordhigeen maamulka Galmudug, taas oo la filayo in Madaxweyne Xaaf uu inta badan ogolaado.

 

Arrimaha ugu waa weyn waxaa kamid ah in la qeybsado awooda maamulka, in la mideeyo ciidamadda, in la bilaabo howlgal ka dhan ah Shabaab iyo sidoo kale xaaladda deegaanka Xeraale oo si adag looga wadahadalay.

LEAVE A REPLY