WASAARADA ARRIMAHA DIBEDA SOMALIA OO CODSI DEG DEG AH GAARSIISAY DOWLADA MARAYKANKA...

WASAARADA ARRIMAHA DIBEDA SOMALIA OO CODSI DEG DEG AH GAARSIISAY DOWLADA MARAYKANKA (AKHRISO).

33
0
SHARE

Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay dowladda Mareykanku inay gacan xoog leh ka geysato sidii Shabaab looga xoreyn lahaa gudaha Soomaaliya.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab loo baahan yahay in la soo gebagebeeyo.

 

“AMISOM oo ka garab dagaallameysa Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku guuleysteen in Shabaab sida uu doono aanu ka yeelin dalka, sidaa ay tahayna AMISOM uma suurta gelin in ay Shabaab ka suuliso dalka Soomaaliya oo dhan, Sababaha guusha maliteri ee kama dambeysta ah hortaagani way badan yihiin waxaana ka mid ah in hoos u dhac uu ku yimid hantida ku baxda Howlgallada AMISOM” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda Somalia.

 

Sidaa darted ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka iyada oo abaal weyn u haysa dalalka Afrika ee ciidankoodu uu ka tirsan yahay AMISOM ayay Dowladda Soomaaliya waxay ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan intaan ka weyn oo xag sirdoon iyo xag ciidanba ka geysato dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo Daacish si looga xoreeyo baa la yiri gudaha Soomaaliya goobaha ay uga sugan yihiin.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ayaa sheegtay in codsigan uu kallifay xog sir ah oo ku saabsan al Shabaab oo ay heshay Dowladda Soomaaliya taasoo aan lagu xusin War-saxaafadeedka.

 

Dowladda Soomaaliya waxay hore ugu caddeysay Mareykanka, in howlgallada militeri ee goos gooska ah ee uu Mareykanku hadda ka wado Soomaaliya ay ahaadaan kuwo aad looga fiirsaday xogta hagaysa iyo fulintoodaba si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed naftooda iyo hantidoodaba aan waxyeello ka soo gaarin.

 

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay soo dhoweyso xubnaha al Shabaab intooda Soomaalida ah ee garowsada in ay joojiyaan dagaalka si looga nabad galo iyaguna ay u nabad galaan taas oo waddada u xaari karta in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

 

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Yusuf Garaad Cumar ayaa ku saxiixnaa codsiga Dowladda Mareykanka loo diray, waxaana warkan saaka faafisay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

LEAVE A REPLY